Wadajir ahaan, waxa aanu u abuuraynaa Minnesota cid walbaa ay ku kulayn karto, wax ku karsan karto ayna quwad koronto ku gelin karaan alaabtooda iyadoo la adeegsanayo tamar nadiif ah oo gobolada Bartan-Galbeed laga soo saaray.

Kuleylinta Minnesota oo leh Tamar Safe, La awoodi karo

Waxa aan aaminsanahay in cid walba oo gobolkaya joogtaa ay mudan tahay:

Tamar la isku halayn karo oo qiimo joogta ah oo aan dhamaanteen awoodno inaan bixino.

Tamar amaan ah oo baa’bisa dikhowga hawada gudaha guryaha.

Tamar nadiif ah oo gobolada Bartan-Galbeed (Midwest) laga soo saaray oo ka faa’iidaysata casriyeynta Minnesota si ay u xakamayso dikhowga ayna wax uga qabato isbedelka cimiladda.

Go’aan gaarid waadix ah, la heli karo, sinaana leh, si kolkaa cid walba oo reer Minnesotan ah ra’yigooda loo maqlo ayna iyagu naftooda u arki karaan aragtiyada la wadaago ee tamarta nadiifka ah ee ee mustaqbalka.

Aalado iyo akhbaar cusub oo ku saabsan sidda lagu helo tamar amaan ah, la isku halayn karo, oo jaban.

Wadajir ahaan, waxa aanu u abuuraynaa Minnesota cid walbaa ay ku kulayn karto, wax ku karsan karto ayna quwad koronto ku gelin karaan alaabtooda iyadoo la adeegsanayo tamar nadiif ah oo gobolada Bartan-Galbeed laga soo saaray. Waxa aan joojinaynaa dikhowga guryahayaga, goobahayaga shaqada, waxa aan xakamaynaa sii deynaha keena isbedelka cimiladda waxa aana istaajinaynaa ku tiirsanaantayada shidaalka bololka ah.

 

Dunidu waxa ay ka sii durkaysaa shidaalka noolaha ku salaysan ee keenaya isbedelka cimiladda, waxa uuna is waydiinayaa xikmadda sii wadida in la keeno gaas aan amaan ahayn guryahayaga, ganacsiyada iyo goobaha shaqada. Gobolkayagu waxa uu xudun u yahay tamarta nadiifka ah iyo casriyeynta. Waana sababtaa in dadka reer Minnesotanka ahi ay isu tagayaan, si loo hubiyo ka gudbida laga gubayo gaaska loona gubayo tamar amaan leh, jaban, nadiifna ah oo faa’iido no leh kuligeen – iyadoon loo aabe yeelayn da’, jinsiyad, ZIIB kood (ZIP code).

Nagu soo biir

Talaabo qaadid

Wadajir ahaan, waxa aanu u abuuraynaa Minnesota cid walbaa ay ku kulayn karto, wax ku karsan karto ayna quwad koronto ku gelin karaan alaabtooda iyadoo la adeegsanayo tamar nadiif ah oo gobolada Bartan-Galbeed laga soo saaray.  Waxa aan joojinaynaa dikhowga guryahayaga, goobahayaga shaqada, waxa aan xakamaynaa sii deynaha keena isbedelka cimiladda waxa aana istaajinaynaa ku tiirsanaantayada shidaalka bololka ah. Waxa aan kor u qaadaynaa sheekooyinka dadka reer Minnesotanka ee caadiga ah, waxa aan ku salaynaynaa sinaan isbahaysigayada iyo xalalkayaga.

Sign up here to receive updates.