Overview

Hadafka ololahani waa in la abuuro lana gaaro aragti sinaan leh oo macquul ah oo xooga saarta in macmilka Minnesota uu helo kulaylin amaan ah, nadiif ah, jaban, oo wax lagu karisado.

Taariikhda

Sii deyta ka dhalata isticmaalka gaaska ee saraha iyo warshadaha waa ilaha ugu waaweyn ee sii daaya gaaska la yiraa (greenhouse) Minnesota – gobolkuna ma gaari doono hadafyadiisa cilmiladda la’aanta wax ka qabad isticmaalka gaaska ee saraha. In kastoo ay jireen dadaalo badan oo lagu yareynayo sii deymaha gaaska la yiraa (greenhouse) ee qaybaha korontada iyo gaadiidka, haddana habka gaaska si weyn looma eegin. Shirkadaha gaasku waxa ay sii siyaadinayaan soo saarida gaaska iyagoo sii wada inay ku sii maalgeliyaan bilyano doolar kaabayaasha dhaqaale mustaqbalka fog.

Minnesota waxa ay u baahan tahay iminka inay wax ka qabato isbedelka cimiladda ayna hubiso jabnaanta/sinaanta tamartayda mustaqbalka. Qiimaha dhawaan kor u kacay, falal sharci ah oo gobolku soo saaray iyo dhacdooyin hawada oo aad u ba’an ah awgood ayaa waxay abuureen kicin kale oo ah inaan wax ka bedelno jidka tamarta ee aan ku socono. Khatarta ku wajahan cimiladda, caafimaad iyo shaqooyinka aad ayey u weyn tahay. Haddii aan talaabo la qaadin, waxa aan gafi doonaa hadafyadda cimiladda, waxa aan ku dambayn doonaa inaan dul saarno kumanaal kharashaad hanti ah oo haraa ah dadka ugu awoodida yar inay bixiyaan, iyo/ama labadaba.

Gobolku waxa uu bilaabayaa inuu yeesho nidaam balaaran iyo dood dadweyne oo ku saabsan doorka gaaska ee sarahayaga. Gaar ahaan, waxaa jira iminka fursado qaali ah oo saameyn loogu yeelan karo ra’yiga dadweynaha iyo habka iyadoo lug lagu yeelanayo hawlaha soo socda ee Gudoomiyaha Korontada ee Minnesota. Hay’ada PUC waxa ay jaa qaaday talaabo ka fal celinaysa qiimayaasha gaaska ee kor u kacaya aana xasilaanayn hadda anagu waxa aan haysanaa fursad aan ugu dhaqaajin karno inay qaadaan talaabo la xiriirta habka mustaqbalka gaaska. Waa khasab inaan ka faa’iidaysano waqtigan qaaliga ah, abuurna habab isbedelo ah oo macne leh oo dardar gelin doona u gudbid hab xaq iyo sinaan ku dhisan oo looga durkayo gaaska.


Olole Dadka Ku Salaysan

Waxa aan qaabeynayaa olole dadka ku salaysan oo ah jarida sii deymaha gaaska ee lagu isticmaalo guryaha iyo saraha. Hadafka ololehu waa in si buuxda loo jaro isticmaalka gaaska ee saraha sannadka 2050, taa oo waafaqsan hadafka sharciga ah ee Minnesota oo ah eber inuu noqodo siideynta gaaska (greenhouse) la yiraa ee sannadkaa.

• Mug farsamo oo lagu yareynayo kaarboonka, dhaqaalaha shirkadaha koromntada iyo siyaasadda xeerarka;

• Balanqaad ah ilaalinta macmiladda si loo hubiyo in canshuur-bixiyeyaasha – gaar ahaan beelaha danyarta ah, beelaha taariikh ahaan la gacan bidixeyn jiray iyo beelaha jaa uu waxyeelada u gaystay gaaska bololka ah – inaan looga tagin inay bixiyaan kharashyada ka durkida gaaska bololka, laakiin ay noqdaan ka faa’iidayaal; iyo

• Qaab sinaani xudun u tahay iyo mug abuul oo si taabagal ah u xiriiriya dadyowga arrinu saameysay, wadana xeelado lagu yareynayo faraqyada, laguna hagaajinayo helida go’aan ka gaarida dhabka xeerarka.


Iskaashiyada ololaha waxaa ka go’an wada shaqeyn ah u adeega ujeedooyinka la wadaago ee halkan lagu guudmaray. Kama filayno iskaashiyadu inay hal cod ku wada hadlaan ama si buuxda isugu raacaan dhamaan amuuraha ku saabsan habka iyo xeeladaha. Hase yeeshee, si kasta ha noqoto shaqada ka baxsan isbahaysiguye iyo farqada u dhaxeeya qorshaha iyo/ama xaaladaha,

• Shakhsiyaadka iyo kooxahu waxa ay uga hadli wixii farq ah si xusmad leh.

• Shakhsiyaad ama kooxo ma aha inay sameeyaan wax ujeedooyinka ololaha lid ku ah.

• Ururadu waxa ay ilaalin mab’a abaabulka ee Jemez (Jemez principles for organizing).


Qaab-dhismeedkan gudihiisa, ololahu waxa u qorshaynayaa inuu abuuro kooxo gaar ah si ay u hogaamiyaan ayna u howl-galiyaan dhinacyo cayiman oo ka mid shaqada oo ay ku jiraan:

• Koox Farsamo/Qorshe (oo kulanta asbuuc walba/ dhaaf 1 saac)

• Koox wada Hadal (oo kulanta asbuuc walba/ dhaaf 1 saac)

• Koox baabulid/Heer Hoose (oo kulanta asbuuc walba/asbuuc dhaaf 1 saac)

• Isbahaysi Buuxa (waxa u kulmi bishii hal mar kolka isbahaysiga la abuuro)

Sign up here to receive updates.