Engaging With The Public Utilities Commission (Somali)
Joseph K. Sullivan, Vice-Chair
Darka/Falanqeynta Ee Gudoonka Korontada Dadweynaha Ee Ku Saabsan Doorka Gaaska Ee Dhanka Korontadda
Sannadkii 2021, Minnesota waxa ay meelmarisay sharci faraya hay’ada PUC inay si weyn oo guud u eegto sidda aan ugu isticmaalno gaaska guryahayaga iyo saraha iyo in loo baahanahay isbedel dhanka maamulka ah iyo in kale si looga caawiyo gobolka inuu ka soo baxo hadafyadiisa uu higasanay ee cimiladda quseeyo. Hay’ada PUC sidda ugu weyn ee ay uga heli karto jawaab celin dadweynha waa iyadoo la adeegsanayo hab dadweyne oo la yiraa “dar.” Darku waa akhbaarta dadweynaha ee ku saabsan kiisaska waaweyn iyo hanaanka xeer sameynta ee ka socda hay’ad dowladeed ama Gudoonka.
Gudoonku waxa uu iminka tixgelinayaa qabashada dhowr xeer hanaaneed oo ku saabsan doorka gaaska ee Minnesota ee iminka iyo korontada mustaqabalka oo ay ku jiraan:
Sidda Loogu Taxaluqo Arrimaha Gaaska Ee Horyaal Gudoonka Korontada Dadweynaha
Waa aad ku taxaluqi kartaa adiga oo ku biiraya isbahaysiga Kuleylinta Nadiifka ah ee Minnesota, kaa oo kugu hagi doona si-talaabo-talaabo ah sidda loogu lug yeesho hanaanka doodaha ee ka dhacaya Gudoonka Korontada Dadweynaha. Inagoo adeegsanayna isbahaysiga ayaan waxa uunu kuu soo dari doonaa cusboonaysiino waqtiyeysan waxa aana ku siin doonaa dhamaan khayraadka aad u baahan tahay si aad uga qaybgasho – gaar ahaan dadka aan waligood horey uga qaybgelin hanaanadda go’aan gaarida.