Minnesota waxa ay si la goyn karo ku gaari kartaa hadafka ah sii deyno -eber ah oo naqaska ah in la gaaro 2050 iyadoo si dardar leh loo qaadanayo kul -gudbiye iyo qorsheyn si si aan turxaan lahayn loogu gudbo.
Daraasadani Waxay Ku Saabsan Tahay:
Clean Heat Minnesota waxay kiraysatay Synapse Energy Economics si ay u eegto sida ay Minnesota uga saari karto guryaheeda iyo dhismaheeda gaaska sida ugu macquulsan, ugu jaban, iyo cadaalada ugu macquulsan.
Daraasadu waxay eegtay isticmaalka tamarta kuleyliyeyaasha korantada, kululeeyayaasha biyaha, cunto karinta, iyo dharka qalajinta ee lagu isticmaalo guryaha iyo dhismayaasha xafiisyada – iyadoo sidoo kale la cabbirayo saamaynta isbeddelka isticmaalka ee nidaamyada gaaska iyo korontada ee Minnesota.
Daraasaddu waxaa lagu mataashay labo waddo: waddo si buuxda loo koronteeyey kulka dhismahayaasha Minnesota iyo mid kale oo heerka ugu sareeysa la gaarsiisey isticmaalka Gaaska Dabiiciga ah ee Dib Loo isticmaali karo (RNG), kaa oo ah gaas laga soo dhiraandhiriyey haraadi wax noolaan jiray.
Daraasaddu waxa ah heshay:
• Qiimaha iyo qiiqa laga sii daayo isticmaalka gaaska waxay u badan tahay inay hoos u dhacaan haddii Minnesota ay si buuxda u dhaliso kulaylka.
• Isticmaalka gaasku waa khasab inuu aad hoos ugu dhaco si loo gaaro naqas sii deyn eber ah. Xataa marka la qabo rajadda ugu fiican ee la fili karo ee ku saabsan helitaanka waxaa jiri doona uun in ku filan oo RNG ah si ay u bedesho16% gaaska dabiiciga ah ee ay iminka isticmaalaan guryaha iyo ganacsiyaddu.
• Hirgelinta degdega ah ee bambooyinka kulaylka ee isticmaala hawo waa muhiim, istaraatijiyad degdeg ah oo ay tahay in la isticmaalo, haddii Minnesota si buuxda u isticmaasho koronto ama ay diiradda saarto isticmaalka RNG mustaqbalka.
• Baahida Korontadu aad bay u kordhi doontaa-laakin kororka waa mid la maarayn karo.
Si Loo Gaaro Korontayn Buuxda Loogana Soo Baxo Hadafyada Cimiladda, Iibsiga Bamka Kulaylkaee Minnesota Waa Inay Gaaraan in Ka Badan 100,000 Sannadkii 2030.
Minnesota Waa in Ay Hadda Wax Ka Qabataa Isbeddelka Cimilada Iyo in Aan Hubinno in Mustaqbalka Tamartayadu Uu Yahay mid La Awoodi Karo Oo Loo Siman Yahay.
Waxa aanu haysanaa tiknoolajiyaddii si aan u sameyno isbedel cimiladda iyo caafimaadka awgiis ah —hadda waxa aan u baahanahay inaan wadajir u shaqeeyno si aan u dhisno una dhaqangelino qorshe looga gurinayo kaarbanka dhismayaasha Minnesota oo aana cidna laga tageyn.
Daraasaddu waxa ay bayaamisay baahida qorsheyn fakar-qoto dheer ku salaynsan oo dadka wax walba ka hormariya oo ku saabsan hababka gaaska iyo korontada si looga soo baxo hadafyadda cimilada ee gobolkayaga.
Ka gudbida ku talagalka ah ee gaaska dabiicida ee sidda fiican loo maareeyo cid walba ayaa ka faa’iidi doonta, oo ay ku jiraan shirkadaha korontaddu.
• Korontaynta firirsan ee heerka-xaafadeed ah waxa ay ka dhigi doontaa qiimaha mid la goyn karo.
• Qiima jabin in la dardar geliyo ayaa loo baahan doona si loogu ogolaado shirkadaha korontadu inay u soo noqoto kharashaadka maalgelintoodu.
• Isticmaalka korontada ee kordhaya waxa uu dhalin doonaa kharashka oo hoose u dhaca mustaqbalka fog.
• Minnesota waa inay ka caawisaa dadka danyarta ah iyo kiraystayaashu inay qabatimaan tiknoolajiyooyinka kulka nadiifa ah.
Korontaynta Buuxda Ee Dhismayaasha Minnesota Waxa Ay U Badan Tahay Inay U Raqiisi Doonaan Qoysaska Ayna Saxa U Yeelan Doonaan Beelaha Iyo Cimiladadaba.
Dulucda Arinta:
Minnesota waxay si fiican ugu taagan tahay inay kaarboonaan ka saarto dhismayaasheena. Wadajir ahaan waxa aan u abuuri karnaa mustaqbal cid walbaa ay ku kulayso, wax ku karsato, ayna ku geliso quwan koronto alaabtooda iyadoo la adeegsanayo tamar laga soo saaray Galbeedka-dhexe (Midwest), oo jaban, nadiifna ah.